Xeerarka safka
Tani waa soo koobid la fududeeyey oo ah xeerarka safka oo ka timid Boplats Syd waxayna ka kooban yihiin xeerar aasaasi ah oo loogu talagalay safafka guryaha, safafka waqtiyada, kharashka safka iyo dhexdhexaadinta/xiriirinta.
- Waxaad safka guryaha geli kartaa laga bilaabo maalinta aad buuxiso 16 sano
- Wakhtiga safka waxaa lagaaga bilaabayaa taariikhda uu kharashka safku soo galo koontada bangiga Boplats Syd waanay kuu shaqaynaysaa ilaa inta aad bixinayso khidmadda safka ee sanadlaha ah ee wakhtiga go'an gudihiisa
- Diiwaangelintaadu waa mid shakhsi ahaaneed wakhtigaaga safkana laguma wareejin karo qof kale (geeridu way ka reeban tahay, eeg xeerarka safka)
- Uma raadin kartid guri qof kale. Si guri lagaaga siiyo Boplats Syd, waa inaad u soo guurtaa, isku diiwaangelisaa oo aad si joogto ah u deggenaataa guriga.
- Adiga ayaa mas'uul ka ah hubinta in macluumaadka iyo waraaqaha aad u soo gudbinayso Boplats Syd la cusboonaysiiyey oo ay sax yihiin. Xogtaada waa la kaantarooli doonaa haddii guri lagu siiyo.
- Boplats Syd waxay leeyihiin saf toosan. Dhammaan guryaha waxaa loo dhexdhexaadiyaa iyadoo loo eegayo waqtiga safka Codsadaha guriga ee ugu wakhti dheeraa safka dadka soo dalbaday guriga ee buuxiyey shuruudaha mulkiilaha guriga ayaa helaya guriga.
- Wax shuruudo oo midabtakoor ah ma samayn karo mulkiilaha gurigu
- Haddii qofka guri la tuso kadib uu Haa yiraahdo wuu ku khasban yahay. Miyaad noqotay lambarka 1aad ee safka, si toos ah ayaa markaa lagaaga saarayaa guryaha kale ee xiisaha leh