Hoppa till innehåll
En man och en kvinna som sitter bland flyttkartonger och äter sallad
En man och en kvinna som sitter bland flyttkartonger och äter sallad

Sida ay u shaqayso

Lix tallaabo oo aad si sahlan ugu heli kartid gurigaaga cusub 

1. Is-diiwaangeli adigu

Samayaso koonto adiga kuu gaar ah oo bixi kharashka sannadlaha ah oo ah 300 kr. Wakhtiga safka ayaa kuu bilaabmaya isla marka aad bixiso lacagta diiwaangelinta. Si aad u dalbato guryo waxaad u baahantahay inaad buuxiso xog ku saabsan xaaladaada guri ee  hadda, dakhligaaga iyo haddii aad wax dhaliilo ah laguu soo jeediyey (anmärkningar). Waxaad intaa kadib si sahlan u ogaan kartaa guryaha aad codsan karto.

Qofka kula soo sodsanaya guriga:

Ma waxaad tihiin laba qof oo waaweyn oo si wadajir ah u raadinaya guri? Isku xira koontooyinkiinna inta aydaan dalban guri ka hor, si aad u isgu darsataan dakhligiina oo aad u buuxisaan shuruudaha mulkiilaha guriga. 
Akhri macluumaad dheeraad ah


Akhri macluumaad dheeraad ah (på svenska)

Illustration av ett registreringsformulär

2. Raadso guri oo muuji xiisahaaga

Ka raadso dhammaan guryaha banaan oo soo diiwaangeli si aad u muujiso xiisahaaga kuwa adiga kugu habboon. Waxaad codsan kartaa guryaha aad buuxiso shuruudaha looga baahan yahay oo keliya.

Talo! Ku dar ogeysiis/il kuhayn qaybta "Mina sidor" si aad iimayl u hesho marka guri la soo bandhigay uu buuxiya shuruudahaaga.

Illustration för att välja lägenhet

3. Ka qayb gal tusida guriga

Marka waqtigii codsiyada daneyntu uu dhammaado, badanaa waxaa la soo gaaray waqtigii tusida guriga, waxaana lagu casuumaa codsadayaasha haysta dhibcaha safka ee ugu badan. Marka laga reebo in guriga si caadi ah loo soo arko, waxaa sidoo kale la sameeyaa in guriga si dhijitaal ah loo soo bandhigo, laakiin waxaa jira guryo sidoo kale la kireeyo iyada oo aan dadka la tusin. 

Tusida guryaha khasabka ah: 
Mulkiilayaasha guryaha qaarkood ayaa leh tusid khasab ah. Haddii aanad awoodin inaad tagto tusida, mulkiilayaal badan ayaa waxay oggol yihiin inaad wakiil u soo dirato. 

Illustration av en hyresvärd som bjuder in till lägenhetsvisning

4. Haa Dheh oo xaqiiji dakhligaaga 

Si aad u xaqiijiso ogolaanshaha guriga markaad aragto kadib, fadlan hubi dakhligaaga iyo macluumaadkaaga kale ee ku jira "Mina sidor". Markaad Haa tiraahdo kama noqon kartid. Haddii aad noqoto qofka koowaad ee guriga ogolaada ama qaata, codsiyada kale ee danaynaya si toos ah ayaa loo tirtirayaa. 

Haddii aad Maya tiraahdo ma saameynayso fursadaada kale ee aad ku heli karto guri.

Illustration av inlämning av intyg

5. Hubin 

Si loo hubiyo inaad buuxisay shuruudaha mulkiilaha guriga, waxaanu baaraynaa xogtaada iyo caddaymayaaga sidoo kale waxaanu sameeynaa baaritaanka ku saabsan deynta. Waxaa laga yaabaa in aanu kaa codsano inaad soo dhammaystirto caddaymahaaga haddii wax ay wax kaa dhamman yihiin. Haddii laguu diido guri sababtuna ay tahay shuruudihii mulkiilaha guriga oo aanad buuxin awgeed, waxaad heli doontaa macluumaad ku saabsan sababta ay sidaa u noqotay.  

Illustration av inlämning av intyg

6. Saxiixa heshiiska

Haddii aad tahay qofka haysta dhibcaha ugu badan ee safka oo aad buuxiso shuruudaha mulkiilaha, waxaa laguu soo gudbinayaa mulkiilaha guriga oo waxa lagu talinayaa inaad tahay qofka la siinayo guriga. Mulkiilaha gurigu wuxuu hubiyaa tixraacyadaada guriga aad deggan tahay ama aad degenayd, wuxuu sameeyaa ogolaanshaha ugu dambeeya, kadibna wuxuu kugu martiqaadayaa inaad saxiixdo heshiiska guriga.

 

Xeerarka safka

Illustration av en nyckel

 

Ku soo dhowow gurigaaga cusub!